Dhageyso:-Madaxweyne Gaas”Ciidamadu waa in ay ka hortagaan falalka amnidarada ah ee ka dhaca puntland”

Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa ciidamada Maamulkaas ugu baaqay dardargelinta Sugida amniga deegaanada kala duwan ee Maamulkas.

Gaas ayaa sheegay in Ciidamada Puntland looga baahan yahay in ay ka hortagaan waxkasta ay maleegayan cadawga isaga oo ku amaanay Ciidamada in dhowr mar ay ka hortageen qaraxyo Shacabka lagu dhibaateyn lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu sheegay Madaxweyne Gaas xili shalay uu ka qeybgalay Munaasabad lagu abaalmarinayay Boqolaal ka tirsan ciidamada Putland kuwaas oo Saraakiishu ay sheegeen in ay doorweyn ka qaateen amniga Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.