Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya iyo deegaanka Oromada oo ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeda dilkii fanaan Hachalu Hundessa.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan la qaatay dhamaan Saraakiisha sareย Ciidamada dalkaas qeybahooda kala duwan, isagoo kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda cakiran ee ka jirta halkaas.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa Saraakiisha Ciidanka kala hadlay sidii loo soo qaban lahaa ragii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan caan ku ah kicinta dhalinyarada Oromada.
Wararka ayaa intaas kusii daraya Waddooyinka Caasimadda Itoobiya la soo dhoobay Ciidamo farabadan oo hubeysan, si looga hortego banaanbaxyo kale oo dhaca, xili ay cabsi jirto.
Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fanaan oo kasoo jeeday Gobolka Oromia, sida ay shaaciyeen warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.
Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed, waxaana taageerayaasha Jawar iyo Ciidanka amniga Addis Ababa dhexmaray iska hor-imaad geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sababta loo dilay Hachalu wali ma cadda, hayeeshee, booliska ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay fuliyeen dilkiisa.
Hachalu, oo 34 jir ahaa, wuxuu dhawaan sheegay inay soo gaareen hanjabaado loogu gooddinayay in la dili doono. Waxaa na meydka fannaankan la aasi doonaa maalinta berri oo Khamiis ah.