Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo uu wehliyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Aduunka Filippo Grandi ayaa galabta Dhagax Dhigay iskuulka Dheere Xaaji Dheere oo Laga Hirgaliyay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir
Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa Sheegay in Schoolkaan Lagu Baran Doono Lacag La,aanisla markaanaMushaarka Macalimiinta ay Bixinaayaan Maamulka Gobolka Benaadir.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Iskuulkaan Magacii hore loo yaqaanay ee Xamarweyne uu ka bedelay Madaxweyne Farmaajo isla markaana loogu Magacdaray halgamaa ka tirsanaa 13,kii Dhalinyaro ee SYL ee Dheere Xaaji dheere.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in tani ay fursan usiin doonto Caruurta Soomaaliyeed si ay wax u bartaan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in sidoo kale dhawaan dib u dayactir lagu sameyn doono Iskuulo kale eek u yaalla Muqdisho, iyada oo la kaashanayo Hay’addaha taageera Maamulka gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.