C/Qaadir Waasac Madaxii Xawaaalda Amal ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe waxaa kooxo hubeysan ku weerareen gudaha suuqa Bakaaraha degmada Howlwadaag ee Gobolkan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay xilligaas sheegeen in abaara 4:00 galabnimo masuulka xilli uu ka tegay goobtiisa Shaqada ay weerareen rag bustoolado ku hubeysnaa.
Cabduqaadir Waasac Madaxii Xawaaalada Amal ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xilliga la weeraray waxa uu watay gaari,waxaana la sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadooda madaxa kaga dhufteen,isla markaana uu dhaawacmay.
Sarkaal Amal ka tirsan ayaa Dalsan u sheegay in C/Qaadir ay ka baxday il madaxana ay uga dhacday dhawr xabo xaaladiisana ay aad u liidato.
Madaxii Xawaalada Amal K/Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli todobadkii hore qaarx Gaari Gacan loo adeegsaday uu ka dhacay affaafka hiore ee Xarunta Amal ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho.