Masuuliyiinta Beerta Nabada ayaa jawaab ka bixiyay amarkii ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in dadka tagaya Beerta aan wax lacag ah laga qaadi karin islamarkaana ay si bilash ah ku geli doonaan.
Maxamed Cabdi Jaamac oo ah Maamulaha Beerta Nabada oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin maareynta Beerta Ganacsatadii maalgashatay.
Waxa uu sheegay in ay Maxkamad la tiigsan doonaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir,iyadoo uu jiray heshiis dhex maray Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta Beerta Nabada.
Hoos Ka Dhageyso shirka Jaraa’id