Mareykanka oo sheegtay inuu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in duqayn Maraykanku ka gaystay bartahama Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Al-Shabaab.

Duqayntan ayaa 12-kii bishan waxay ka dhacday degaan ilaa 20km u jira magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waa markii labaad ee sannadkan diyaaradaha Maraykanka ay duqayn ka gaystaan bartahama Soomaaliya.

Guud ahaan, sannadkan waxa Maraykanku uu ka gaystay Soomaaliya 27 duqaymood.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu dhimashada badneyd ee lala eegto Al-Shabaab muddo sanad ah. Duqeyn dhacday bishii November ee 2017 ayaa lagu dilay 100 dagaalyahan, sida Mareykanka ay sheegeen.

Al-Shabaab dhankooda kama hadlinnduqeymaha Mareykanka uu shegay inuu ku dilay Xubno sar sare oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media