Dhageyso:-Axmed Madoobe”Waxaan qabaneynaa Shir lagu xalinayo khilaafka Siyaasadeed ee dalka”

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta Siyasadeed ee dalka iyo waliba sidoo kale Khilaafka Wadamada Khaliijka kaas oo saameeyay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Dhexe ay muhiim aheyd in ay Go’aanka ay qaadaneyso  wadatashi kala sameyso Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday khilafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamulka Jubbaland

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in Magaalada Kismaayo uu dhigo Gogol Nabadeed oo lagu dhex dhexadinayo dowladda iyo madaxda Maamul goboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso codka Axmed Madoobe