Xukun Dil ah ah oo Maanta lagu riday Nin Darawal Gaari ku dilay Degmada Balcad

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Nin 29-kii bishii lasoo dhaafay ee November 2022 darawal gaari ku dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Eedeysane Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa qirtay inuu si bareer ah dil ugu geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed, kadib markii Cabdiraxmaan uu Marxuumka kula murmay lacag, waxaana falkaas uu ka dhacay degmada Balcad.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ee uu lahaa Saylax Cabdulle ayaa Maxkamadda ciidamada kahor sheegay in  Xukunsanaha uu  si ku tala-gal ah u dilay Marxuumka oo kamid ahaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Eedeysane Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed.

Toogashada Cabdiraxmaan Cadow ayaa la filayaa in lala dadajiyo, si loo fuliyo amarkii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ee ahaa in la toogto qofkii isbaaro dhigta ama dil u geysta shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor