Madaxweyne C/fataax Al-sisi ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay dhigiisa dalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulmay Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Qaahira.
Sida lagu soo daabacay Wargeyska AL-AHRAAM ee ku hadla Codka Dowladda Masar ayaa qoray inay Labada Madaxweyne ka wada hadleen Xiriirka Labada dal, Qaddiyadda Gobalka iyo qoddobo kale.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Masar ka taageerayso Somalia iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha,Ganacsiga, Xoojita Hay’addaha DFS iyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga iyo Xoolaha.
Madaxweyna Masar waxa kale oo uu ballanqaaday inay gacan ka geysan doonaan Dib-u-dhiska Ciiddanka Xoogga dalka Somalia (the Somali National Army.)
Madaxweynaha Masar waxa kale oo uu tilmaamay in la xoojin doono Xiriirka soo-jireenka ee Labada Waddan, lana sii wadi doono Iskaashiga Barnaamijyadda Iskaashiga iyo Tababaradda ee ay isku soo dubarido Hay’adda Masar ee Wadaagista ,
Horumarinta (The Egyptian Agency for Partnership for Development (EAPD).
Dhinaca kale. Hadal qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Masar ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Al-sisi ballanqaaday inay kordhin doonaan Deeqaha Waxbarasho ee ay Dowladda Masar u fidiyaan Ardayda Soomaalida.
Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyna Masar Kulan la yeesho dhigiisa Somalia, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilkaasi loo doortay bishii February ee sannadkan 2017-ka.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Cabduqaadir Jakaarta