Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee Taliban oo booqashadii ugu horraysay ku tagay Kabul

Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee Ururka Taliban ayaa booqashadiisii ugu horraysay ku tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah waddanka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Mullah Hibatullah Akhundzada ayaa lagu soo warramay in uu khudbad ka jeediyay kulan ay ku sugnaayeen qiyaastii 3,000 oo aqoonyahanno diimeed ah, kuwaasoo isugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha ku saabsan “midnimada qaran”.

Ma jirin wariye madax bannaan oo loo oggolaaday in uu ka qayb galo kulankan, oo ka dhacay meel amnigeeda si wayn loo sugayay.

Cod laga soo duubay khudbaddii hoggaamiyaha ayaa la baahiyay. Hase yeeshee lama arkin wax muuqaal ama sawir ah oo laga soo qaaday Mullah Haibatullah.

Dad codkoodu aad u sarreeyo ayaa si farxad leh u qayliyay kaddib markii lagu dhawaaqay in uu goobta joogo Mullah Haibatullah, uuna hadli doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor