Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Goordhow shaacisay inay diiwaan-gelisay Kiisaskii ugu horreeyay ee Cudurka halista ah ee Coroanvirus oo kiisas dhowr ah laga helay Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyay ee qaba COVID-19 laga helay Puntland, kaasi oo baaritaano lagu sameeyay jirkiisa looga helay Cudurka.
Waxaa uu sheegay Wasiir Jaamac Faarax in qofka laga helay Cudurka uu yahay Nin Soomaali ah oo jira 33 sanno, kaasi oo aan ka safrin Puntland, isla markaana la geeyay xarunta karantiilka.
Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in la karantiilay 5 ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka Coronavirus.