Maleeshiyo beeleed hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo talaado ah la kala qaaday.
Dagaalkan dhexmaray maleeshiyaadka beeleedka ayaa salka ku haayay Arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, lana gubay Guryo.
Dadaalo lagu soo afjarayay Colaada oo ay wadeen wafdi ka socda dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta, Wasiirul dowladaha Cadaalada, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Hirshabeelle ayaa booqday goobaha Maleeshiyo beeleedka lagu kala qaaday.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isaaq ayaa sheegay in la kala qaaday maleeshiyaadii ku dagaalamayay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isla markaana la kala dhex-gay xabbad joojin.
Mas’uuliyiinta ka kala socda dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle ayaa kulamo la qaadan doona Odayaasha iyo Waxgaradka maleeshiyaadka dagaalamay, waxaana lagu wadaan in heshiis laga gaaro dagaalkii khasaaraha geystay ee dhacay.