Natiijada Baaritaanka Meydka Ganacsadihii lagu dilay Kenya oo la shaaciyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka.Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga.

Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor