Ciidanka dalka Maali ayaa waxaa ay Xabsiga u taxaabeen Madaxweynaha KMG ee Mali, Bah Ndaw iyo Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon, kuwaasi oo la xiray saacado kadib, markii Isku-shandheyn lagu sameeyey Golaha Xukuumadda ee dalkaasi.
Isku-shaandheyntaasi waxaa xilalkooda ku waayey 2 Wasiir oo ka mid ahaa Saraakiishii Milliteriga ee ka dambeysay Afgembigii dalkaasi ka dhacay bishii August ee sanadkii hore.
Labada Wasiir ee Xilalkooda ku waayey Isku-shaandheyntaasi ayaa kala ah Wasiirkii Difaaca, Kolonel Saadiyo Kamara iyo Wasiirka Ammaanka, Kolonel Modibo Kona. wax sabab ah lagama bixinin sababaha ay labada Wasiir ku waayeen Xilalkooda.
Hadal-qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen QM iyo Midowga Afrika waxay ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan oo aan shuruud lahayn lagu sii daayo Madaxweynaha, RW iyo Wasiirka Difaaca ee dalka Mali.
Dalalka Maraykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa waxaa ay iyagana saxiixeen Hadal-qoraal oo ku aadan Sii-daynta Madaxda dalka Mali ee ay Milliteriga xireen.
Ilo-wareedyo Diplomaasi iyo kuwo Dowladeed ayaa sheegay in Madaxweynaha KMG dalka Mali, Bah Ndaw, Ra’isul-wasaarihiisa Mukhtaar Coon iyo Wasiirkiisa Difaaca, Suleymaan Dukore lagu hayo Saldhiga Milliteriga ee Kati oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Bamako.