Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay faragelin ku haayeen siyaasiyiinta Koonfureed.
Mahdi Guuleed ayaa tilmaamay in khilaafkii ka taagnaa doorashada Somaliland uu ahaa mid la abuuray, isla markaana ay faragelin ku haayeen khilaafka siyaasiyiinta Koonfureed, hayeeshee iyagu dhexdooda aysan is khilaafin, balse la abuuray.
Wuxuu Carabka ku dhuftay inay tashadeen markii laga daayay wax uu ugu yeeray gamo- gacmeen, ayna heshiis mirodhal ah ka gaareen khilaafkii taagnaa, isagoo sheegay in heshiiska ay fulin doonaan, si loo qabto doorashooyinka.
Mahdi Guuleed ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadceliyay dadaaladii uu ka qaatay xal ka gaarida khilaafkii u dheexeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, wuxuuna xusay inuu diyaar u yihiin taageero kasta oo la siiyo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa caddeeyay inay qaban doonaan doorasho Cadaalad oo xor iyo xalaal ah, isla markaana ay ku tartami doonaan cid kasta oo diyaar u ah doorashada Somaliland.
Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad ay isku cafinayeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana k aka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh, RW hore Kheyre, siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.