Ururka Taalibaan oo ku dhawaaqay Dowlad cusub (Yaa Madax looga dhigay?)

Ururka taalibaan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay dowlad cusub oo ay ugu magac dareen dowladda Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan , waxaana dowladdan madax looga dhigay Mullah Maxamed Xasan Akhund.

Mullah Maxamed waxa uu ka mid yahay asaaseyaashii ururka Dhaalibaan, waxaana ku xigeen looga dhigay Mullah Abdul Ghani Baradar oo isna wax ka asaasay ururka. Mullah Cabdisalaan Xanafi ayaa isna la dhigay ku xigeenka labaad ee dowladda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Imaaradda Islaamka Afghanistan ayaa loo magacaabay nin ku jira liiska dadka ay FBI-da doondoonayso oo magaciisu yahay Sirajudiin Xaqani oo madax ka ah ururka Shabakadda Xaqaani ee ka dhisan Pakistan iyo Afghanistan.

Warkan waxaa shir jaraa’id ka shaaciyay afhayeenka ururka Sabixulaah Mujaahid, isaga oo intaas ku daray in ururka uu ka jawaabay rabitaankii shacabka sida uu hadalka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor