Diyaarad siday Gaari nooca xabbada aan karin oo ka degtay Baladweyne

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta ka degtay diyaarad siday gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof (Car).

Gaarigaan oo diyaaradda ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Warar la helayo ayaa sheegaya in gaariga aan xabbada karin ee Buruufta ay dowladda Federaalka geeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isla markaana loogu tala-galay inuu adeegsado Yuusuf Daba-geed.

Lama oga sababta xiligaan keentay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaari nooca aan xabbada karin ee loo yaqaano Bullet Proof (Car) ku wareejiso Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar Daba-geedoo ku sugan Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor