Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amray lamaha Amniga Galmudug in Magaalada Caabudwaaq uu Maanta ka dhaqan galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laamaha amniga ee ka howlgala Magaalada faray inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad hubeyan oo horey falal dilala kala duwan uga geystay Caabudwaaq.
Sidoo kale Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud Col Dhagahoor oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerar dad shacab ah lagu dilay oo barqadii Maanta ka dhacay Caabudwaaq, ayna fuliyeen rag hubeysan oo watay gaari.
Taliye Dhagahoor ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii ka dambeeyay falkii lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Ugu dambeyn Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyay in Bandowga uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug kusoo rogay Magaalada Caabudwaaq uu bilaaban doono 11:30 Am oo Maanta ah.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkii Maanta dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.