Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta farax galay, iyagoona loo fasaxay maalinta dhalashada Nebi Muxamed NNKH oo ku beegan maalinta barri oo ah 12-ka Bisha Mowliid.
Xoghayaha Joogtada Baarlamaanka Puntland ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in muddo saddex maalin ah fasax uu galay Golaha, isla markaana kulanka Baarlamaanka dib la isugu soo laaban doono Maalinta sabtida soo socta.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale fasaxay dhammaan shaqaalaha si loo weyneyno dhalashada Rasuulka SCW, waxaana Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka socda u diyaar-garowga Xuska Mowliidka.
Maalinta berri oo khamiis ah ayaa waxaa ay ku beegan tahay maalintii uu dhashay Nebi Muxamed NNKH, waxaana marka la gaaro xiligaan oo kale dunida Muslimka ka dhaca Munaasabadda lagu xusayo dhalashada Rasuulka.