Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku soo wajahan Muqdisho iyo sababta oo…

Todobaadaan Gudhihiisa ayaa la shaaciyey in Magalada Muqdisho uu ku soo wajahan yahay Madaxweynhihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo looga adkaaday doorashadii Madaxtinmo ee ka dhacday dalka 8-dii Bishii February Sanadkii tegay ee 2017.

Markii uu yimaado Magalada Muqdisho ayaa Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu ku dhawaaqi doono Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono,isla markaana ay ka mid noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka ka degay ku sugnaa Wadamo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Tanzania,isla markaana qoraalo uu soo saaro uu  kaga hadli jirey Isbedelada siyaasadeed ee dalka ka dhaca.

Sidoo kale ka sokow imaanshaha  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadana waxaa barbar socda sidii Xisbiga uu hoggaamin doono loogu biirin lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah mucaaradka Dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku jiro Xildhibaano farabadan oo taageersan qorshihiisa siyaasadeed ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,kuwaas oo wada qaban qaabada sidii loo soo dhaweyn lahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor