Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta daah furey Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Munaasabada ayaa lagu daah furey golaha dhaqaalaha qaranka, oo ay ku mideysan yihiin aqoon yahno Soomaali iyo ajnabi isugu jira, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kala talin doona qaabka dhaqaale ee wadanka loo rabo.

Ra’iisul wasaaradaha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo khubad ka jeediyay munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , mudane Jamaal Maxamed Xasan oo wasaaradiisu soo abaabushay xaflada isla markaana mas’uul ka aheyd isu keenida golahan.

Mudane, Kheyre ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah umadda Soomaaliyeed maadaama  laga hadlayo waddadii loo mari lahaa kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Sababta aan idin ugu yeeranay ayaa ah in aad nagala talisaan arrimaha dhaqaalaha wadanka, si aanan go’aan khaldan u qaadan oo hadhow dhibaato noqon kara wadanka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sidoo kale, sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay bedesho qaabka dhaqaale ee wadanka maanta uu yahay, isla markaana diyaar u yihiin in ay wax ka qabtaan maamul xumida iyo musuq maasuqa.

“Waa in aan isku filnaanaa, si aan isugu filnaano waa in aan soo dhaweynaa qof kasta oo arrintaas naga caawin karo,” ayuu sheegay Khayre.

Mudan Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in ay doonayaan in aduunka uu bedelo qaabkii Soomaaliya loola macaamili jirey ayna ku qiimeeyaan Soomaaliyada maanta iyo sida ay u socoto.

Golaha dhaqaalaha qaranka, ayuu ra’iisul wasaaraha u sheegay in wixii talo ah oo ay soo gudbiyaan ay qaadan doonaan isla markaana la fulin doono, isagoo xusey in loo baahan yahay in dhaliilaha jira ay soo bandhigi karaan si wax looga qabto.

Xafladda ayaa sidoo kale, waxaa ka hadlay wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhankiisa sheegay in golahan wixii ay u baahan yihiin ay ku caawin doonaan, si shaqada ugu sahlanaato.

Dr. Cali Ciise Cabdi, oo kamid ah golaha dhaqaalaha qaranka, oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta hagaajinta dhaqaalaha wadanka.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano labada aqal kamid ah, dadweyne kala duwan iyo mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor