Gaari lagala baxsaday Bangiga Soomaaliland iyo Saraakiil ka hadashay

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in adabley hubeysan ay la baxsadeen gaari uu lahaa Bangiga Soomaaliland kaas oo yaallay Xarunta Bangiga ku leeyahay Magaalada Ceerigaabo.

Gaariga oo noociisu yahay Toyota Hilux ayaa la sheegay in dableyda ay Xarunta Bangiga kala baxeen,isla markaan aan la ogeyn halka lala aaday

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ragga la baxsaday gaariga ay yihiin kuwo taabacsan Sarkaal shalay ka goyestay Soomaaliland oo lagu Magacaabo Jamaal Baaxad.

Xiisada ka dhalatay la baxsashada gaarigaas ayaa Maanta ka taagan Magalada Ceerigaabo,waxaana Saraakiil k atirsan Ciidamada Soomaaliland ay sheegeen in ay baadi goob ugu jiraan Gaarigaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor