Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo gaaray Garoowe

Magalada Garoowe ayaa waxaa Goordow soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,isla markaana ah Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaranka,kuwaas oo kasoo kicitimay Magalada Nairobi.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Janeraal Maxamed Abshir ee Magalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Xildhibaano iyo madax kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha la socda ayaa Garoowe waxa ay uga qeyb geli doonaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi deni,iyada oo Maanta amniga Magalada aad loo adkeeyay.

Madax kale duwan ayaa sidoo kale saacadaha soo socda tegi doona Magalada Garoowe,si ay uga qeyb galaan xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Siciid Deni oo maanta halkaasi ka dhaceysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor