Dhageyso:-Odayaasha Dowlad deegaanka oo joojiyay xalinta Khilaaf mudooyinkii dambe taagnaa

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad deegaanka iyo Axmed Shide oo ah Wasiirka Maaliyadda Itoobiya,waxana socday wadahadallo lagu xalinayo.

Hayeeshee Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan wixii ka dambeeya ay joojiyeen xalinta khilaafkaas,kaidb markii garabka Axmed Shido ay diideen xalintaas.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dowlad deegaanka ayaa sheegay in Odayaasha ay go’aansadeen inay joojiyaan wadahadallada lagu xalinayo khilaafkaas,maadaama sida uu sheegay in uu diiday Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dowlad deegaanka Axmed Shido.

Waxa uu sheegay Garaadka in dhowr mar ay wadahadal ugu yeereen Axmed Shide,hayeeshee uu uga baxay balamo ay la galeen,taasina ay keentay inay joojiyaan wadahadalka lagu xalin lahaa xiisada u dhaxeysa Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide.

Weli waxaa taagan khilaafka labada mas’uul,waxaana markale Adis Ababa looga yeeray Madaxweynaha Dowlad deegaanka Mustafe Cagjar oo horay ay wadahadal u yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor