Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo mar kale Xukun lagu riday.

Ilo dhinaca Garsoorka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay  Maxkamad ku taallo dalkaasi xaqiijisay in Maxamed Mursi lagu xukumay xabsi 20-sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu kiciyey Dibadbaxyo lagu dilay dad rayid ahaa sannadkii 2012-kii.

Waxaa kaloo xukunkaasi oo kale lagu riday 2 ka tirsan Madaxda Kooxda Akhwaanul-muslimiinka Masar, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Al-beltagi iyo Cisaam Al-eryaan.

Maxamed Mursi, waxaa horey xukuno loogu riday 3 Fal-dembiyeed oo uu ku jiro Xukun Dil oo uu ku muteystay Maxaabiis ka tirsan Akhwaanul-muslimiin oo jabsaday Xabsiga muddadii ay socdeen Kacdoonkii ka dhankaihii mudada dheer xukumayey Masar ee Maxamed Xusni Mubaarak sannadkii 2011-kii.

Sidoo kale, Maxamed Mursi waxa uu Xabsi Daa’im ku muteystay  isagoo wax u basaasayey Dhaqdhaqaaqa Islaamiga Falastiin ee XAMAAS.

mohamed-mursiMaxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii 5-aad ee soo mara dalka Masar, waxaana xilka ka tuuray Madaxweyne haatan ka taliya dalkaasi, C/fataax Al-sisi oo ahaan jirey Taliyaha Guud ee Ciiddanka Masar.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor