Xiriiriyaha Hawlgalladda lagu soo badbaadiyo Badmaaxiinta afduuban ee la illaabay “”forgotten hostages”, John Steed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la sii daayo 26-kii Badmaaxiintii la socotay Doonida Nahaam 3 ee ay Burcad-baddeed Somali ah haysteen.
Waxa uu intaasi ku daray in Badmaaxiintaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Filibiin, Kamboodiya, Shiinaha, Indonesia, Taywaan iyo Fiyetnaam afduub loo haystay in ka badan 4 sanno iyo bar.
John Steed waxa uu tilmaamay in Badmaaxiinta la soo daayey ay ka muuqatay macluul daran, iyadoo mid ka mid ah uu dhaawac rasaaseed ka qabtay Cagta, halka labo kalena uu ku dhacay Cuddurka Qalalka iyo Macaanka (Diabetes).
John Steed oo ah Kolonel Hawlgab ka tirsan Ciiddanka dalka Britain ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP in hal caqabad hortaagan tahay sidii Badmaaxiinta la soo daayey dib ula middoobi lahaayeen Qoysaskooda.
Waxa uu xusay inay Badmaaxiinta ku sugan yihiin magaalladda Gaalkacyo oo ay ku dagaalamayaan Ciiddamadda kala taageera Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland.
“Dagaal ayaa ka socda Gaalkacyo, waana khatar daqiiqadan, waxay xalay is-weydaarsadeen Madaafiic . Waxaan bixi doonaa aroorta hore ee maanta, haddii uu dagaalka joogsado, si Badmaaxiinta loogu duuliyo Nairobi daawo ahaan” ayuu yiri John Streed.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Badweynta ay Burcadda ka dambeeyaan ee (Oceans Beyond Piracy (OBP) ayaa lagu sheegay inay Burcad-baddeeda Soomaalida horey u afduubteen 29 Badmaaxiin shisheeye ah, iyadoo mid kale lagu dilay intii uu socday Hawlgalkii Afduubka, halka in ka badan 2 kale xanuunsadeen muddadii afduubka loo haystay.
©Radio Dalsan