Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay dadkii lagu laayay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in 9 qofka ee dilka loo geystay ay ahaa ahaayeen dad aan waxba galabsan,kuwaasi oo dhammaantood ahaa Ganacsato kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynihii hore Galmudug ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka Gobolka Mudug iyo Masuuliinta reer Gaalkacyo iyo maamulka Galmudug inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, cadaaladdana la korkeeno.
Sidoo kale waxaa uu dadka kale ee reer Koofur Galbeed eek u dhaqan Gaalkacyo usoo jeediyay inay is dajiyaan,isla markaana dulqaad muujiyaan.
Xalay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay 9 qof oo shacab ahaa,kuwaasi oo ah hal goob lagu toogtay,waxaana dhacdadaas geystay Kooxo hubeysan oo ka Careysnaa dil loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka nabadsugida Galmudug.