Muwaadin Somali-Maraykan horey u feeray Siyaasi Kenyan oo la xukumay

Jamaal Xuseen ayaa lagu xukumay xabsi 3 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu feeray Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo ka soo jeeday Degmadda Wajeer, kaasi oo ku naafoobay jir-dilkaasi.

Garsoore Eunice Kimaiyo  oo ka tirsan Maxkamadda Makadara ee magaalladda Nairobi ayaa ku dhawaaqday Xukunka lagu riday Jamaal Maxamuud, iyadoo sheegtay inay aragtay Wrabixinadda Dukumentiyo Caafimaad iyo Markhaatiyayaal goob jog ka ahaa markii uu Eedeysanaha feerayey Dhibanaha.

Falkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhaacay meel ku dhow Masjid ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi bishii September 17-dii ee sanadkii 2017-kii.

Garsoore Amanya waxay sheegtay in Eedeysanaha oo Ajnabi ah dib loogu celin doono dalkiisa marka uu dhmaaysto Xabsiga lagu xukumay ee saddexda sanno.

Dhegeysiga dacwadiisa waxaa goobjoog ka ahayd Xasakiisa oo Kenyan ah iyo ilmo yar oo dhaleen, oo ay sheegeen inay u baahan yhaay Daryeel Waalid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media