Guddoomiyaha Xisbiga Awooda Shacabka ahna Duqii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay dadkii xalay lagu xasuuqay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo Dilkii loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Galmudug kaasi oo lagu magacaabi jiay Cabdi Tahliil Cadceed.
Taabid Cabdi Maxamed ayaa cod dheer ku Cambaareeyay falkii xalay lagu dilay 9 ruux oo shacab ahaa sidoo kalena la dhaawacay qof kale oo la joogay,kuwaasi oo hal goob lagu toogtay,isla markaana ka soo jeeday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah ummadda uga soo dhex qabtaan gacan-ku-dhiiglayaasha dilka arxan-darrada ahaa geystay si sharciga loo marsiiyo.
Isaga oo sii hadlaayay Taabid Cabdi Maxamed ayuu tacsi diray dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen intii lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayuu kaga hadlay Dil Wadareedkii ka dhacay Gaalkacyo iyo Dilkii loo geystay Cabdi Tahliil Cadceed,isla markaana waxaa uu u qoraan sidan.
Waxaan cod dheer ku cambaareynayaa dilalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu beegsaday dad aanan waxba galabsan oo uu ka mid yahay walaalkeen Cabdi Dhiif.
Waxaan sidoo kale aad uga xumahay aadna uga murugoonayaa wararka sheegaya in 9 qof oo aanan waxba galabsan hal meel lagu dilay. Runtii waa wax bini’aadannnimada, diinta iyo dhaqankeenna suuban fajac ku ah. Marnaba fal nuucaas ah kama turjumayo diin, dhaqan iyo walaaltinimo.
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dhamaan intii lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Waxaan ugu baaqayaa maamulka Galmudug in ay si deg deg ah ummadda uga soo dhex qabtaan gacan-ku-dhiiglayaasha dilka arxan-darrada ah geystay, sharcigana la marsiiyo.
Waxaan bulshada oo ay ugu horreeyaan dhallinyarada iyo culimada ugu baaqayaa in ay ka dhiidhiyaan falalkan argagaxa leh ee soo laalaabtay, una istaagaan sidii cadaalad degdeg ah loogu raadin lahaa dhibanayaasha. Inaa lilaahi wa’inaa ileyhi raajicuun.