Madaxweynihii dalka Chad Idris Debby oo maanta la aasayo

Wafuud isugu jirta Madxweynayaal, Ra’isul-wasaarayaal iyo Madax kale ayaa ku sii qulqulaya dalka Chad, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda Aaska ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Idris Debby Itno oo maanta la aasi doono.
Idris Debby oo 68-jir ahaa waxaa Isniintii la soo dhaafay lagu dilay dagaal u dhexeeyey Ciiddanka Dowladda iyo Falaagadda Mucaaradka ee The Front for Change and Concord in Chad (FACT) oo ka soo jeeda Waqooyiga dalkaasi.
Aaskiisa waxaa lagu soo gebagebeyn doonaa Salaan Sharaf Milliteri oo saakayto lagu qaban doono Fagaraha ugu weyn Caasimadda dalkaasi ee N’Djamena ee loo yaqaano Fagaaraha Ummadda (La Place de la Nation).
Salaadda Janaasadda waxaa lagula tukan doonaa Masjidka Jamaca ee ku yaalla caasimadad dalkaasi, kadibna waxaa maydkiisa lagu barbar aasi doonaa Qabriga Aabihiisa oo ku yalla Tuulladda Umu Jaras oo u dhow magaalladii uu Madaxweyne Idris Debby ku dhashay ee Berdoba ee Bariga Fog ee dhullka Lama-degaanka ee u dhow xuduudka dalkaasi la wadaago dalka Sudan.
Toban Madaxweyne iyo Ra’isul-wasaarayaal Afrikaan oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha dalalka Gini, Alpha Conde, Mali, Bah Ndaw iyo kan Koongada Dimuqraadiga, Felix Tshisekedi, Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Burhan, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Mussa Faki Mohmed oo u dhashay dalka Chad ayaa qeyb geli doona Aaska Madaxweyne Idris Debby.
Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron iyo Madaxa Arrimaha Siyaaasadda Dibedda ee Ururka Midowga Europe, Joseph Borrell ayaa iyagana ka mid ah Hoggaamiyayaasha ka qeyb geli doonaa Aaska Madaxweynihii hore ee dalka Chad.
Dhinaca kale, wiil uu dhalay Madaxweynaha la dilay oo lagu magacaabo Jeneral Maxamed Idris Debby KAKA ayaa la wareegay Golaha Milliteriga iyo Talada dalkaasi.
Jeneral KAKA oo 37 jir ah waxa uu xilka Hoggaaminta hayn doonaa muddo 18 bilood, si ay u diyaariyaan Doorashooyin Dimuqraadi oo ka dhaca dalkaasi.
Ustaad Nuradin
Comments
Loading...