(FAALLO): Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Kenya ?

(FAALLO): Muxuu salka ku hayaa Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Kenya ?

Mowjad Siyaasadeed oo aan horey loo arkin nooceeda oo kale , tan iyo wixii ka dambeeyey Qeybsigii Gumeystayaasha ee Dalalka Afrika sannadkii 1884-kii ayaa waxay haatan ka dhex ololaysaa Dowladaha Somalia iyo Kenya ee Ood-wadaagta ah.

Murankii Taagnaa ee Dhulkii NFD ee haatan loo yaqaano Gobalka W/bari ee Kenya ayey Ummadda Soomaaliyeed halgan dheer kadib, waxaa xalaalaysatay Dowladda Kenya, wuxuuna Boobkaasi ku sii abuuray inay u soo hanqal taagaan inay mar kale boobaan xuduud-dhulkeedka iyo xuduud-baddeedka miliyadda Somali loo aqoonsan yahay.

Dowladaha deriska waxay Burburkii Dowladnimo kadib fursad dahabi u noqotay inay Somalia sida ay doonaan u maamulaan, Kala-qeybiyaan Hoggaamiyayaashooda, Hub isugu dhiibaan Beelaha, Faragelin Toos iyo mid dadban, Dhul-ballaarsi sameeyaan, isla markaana ay isku arkeen inay yihiin Marjaca Guud ee ay ka go’do Talada iyo Mustaqbalka Somalia.

Haddaynu eegno Khilaafka haatan taagan, Dowladda Kenya waxay si mutaxan ugu hawlan tahay Isballaarin iyo inay boobaan Xuduudka loo aqoonsan yahay Jamhuuriyadda Somalia.

Boobkaasi waxa uu yimid, kadib, markii ay Dowladda Kenya ku guuleysatay Faragelinta ay ku haysay Somalia, kadib, markii loo oggolaaday inay Ciiddankooda qeyb ka noqdaan hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM iyo iyagoo Isbahaysi xooggan la sameystay Madaxda ka talisa Jubbooyinka oo la kala garan la’ yahay inay Muwaadiniin Soomaali dhalad ah yihiin iyo inay Kenyan yihiin.

Xiisadda Siyaasadda ayaana gaartay Figtii ugu sarreysay, waxaana soo if baxay Muranka Milkiyadda ee la isku haysto oo la gaarsiiyey Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ”, inkastoo ay Dowladda Kenya ka meermeerayso in Sharciga Caalamiga lagu kala baxo.

Siyaasiyiinta Kenyaanka iyo kuwa Kenya-la-jirka ah ayaana ku adkeysanayo inaan laga hadli Karin Ciiddankooda Nabad-ilaalinta iyo Muranka Xuduudka, inkastoo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Fedearlka Somali go’aan adag ka qaateen Qaddiyadaasi, kuna baaqeen inay Ciiddankaasi laga saaro gudaha Somalia.

Haweeneyda Wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Raychelle Omamo oo xalay Wraeysi siisay Barnaamijka Focus On Afrika ee Idaacadda BBC London waxay si qayaxan u sheegtay inaan Ciiddanka Kenya laga saari doonin gudaha Kenya, isla markaana ay Ciiddanka ku joogaan Fasaxa AMISOM.

Waxay si kulul u weerartay Go’aanka Xildhibaanadda Barlamaanka Somalia, iyadoo sheegtay inay Siyaasiyiinta hadba wax isaga dhawaaqaan.

Hadalkaasi Qadafka ayaa u muuqda inuu meel ka dhac ku yahay Sharafta Barlamaanka Somalia oo la og yahay inay yihiin Sharci-dejiyayaasha loo idmaday Dhowrista Shuruicda iyo Danaha Qaranka.

Hoggaamiyayaasha Kenya waxaa ciyaarayaan Siyaasad daandaansi leh, si ay Dhismaha Derbiga u soo geliyaan gudaha Xuduudka Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Kenya ka go’an inay xeellad kasta ku dagaalamaan, si ay u xalaalaystaan Boobka Xuduudaha Somalia, ka hor inta aysan Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ” bilaabin Gar-qaadista Dacwadda ay Dowladda Federalka ka gudbisay Isballaarinta Kenya ee dhinaca Badda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon in la wada fahmo in Khilaafka taagan uu ku salaysan yahay Kenya oo doonaysa inay isku ballaariso Xuduudaha Badda iyo Berriga Somalia iyo Dowladda Somalia oo arrinkaasi diidan, waxaana suurtogal noqon karta inuu Khilaafku isku beddelo Gacan-ka-hadal lagu riiqmo.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor