Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Booqday Isbitaalada ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa kormeeray qolalka ay ku jiraan dadka dhaawacyada qaba, iyagoona Alle uga baryay inuu Caafimaad Deg deg ah siiyo.
Sidoo kale Madaxweyneyaashii ee hore ee Soomaaliya ayaa tacsi u ditay Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadka Isbitaalada ku jira ee u baahan xaalad Caafimaad.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana ku geeriyooday 73 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen 52 qof, waxaana ku jiray Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir.