Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Taabid Cabdi ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo Ehelada dadkii shacabka ee Maanta ku waxyeeloobay Qaraxii Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku geeriyooday, halka ku dhaawacmay uu Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo.
Isaga oo la hadlaayay Warbaahinta Dalsan ayuu Taabid Cabdi Maxamed shacabka iyo hayโaddaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas, isla markaana ay dhiig u shubaan dadka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana ku geeriyooday 73 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen 52 qof, waxaana ku jiray Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir.
Hoos ka DAAWO maamulka.