Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi u tagay Safaaradda Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho, waxaana halkaasi uu kula kulmay Safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaaaliya.

Ujeedka kulanka Madaxweynaha ayaa ahaa is-xogwareysi iyo tacsiyeyn, waxaana Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi uu kaga tacsiyeeyay dhacdadii dhawaan ka dhacday Muqdisho, ee lagu laayay Saraakiisha u dhashay dalka Imaaraatka.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor