Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya Baarlamaanka Soomaaliya

Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay yeeshaan kulan aan caadi aheyn oo codsigiisu ka yimid madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa qorshu yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeedin doona fadhiga maanta ee labada aqal.

Inkastoo aan si rasmiya loo ogeyn waxyaabaha madaxweynuhu uu ka hadli doono, haddana waxaa la fahamsanyahay in dalka ay ka taaganyihiin arrimo kala duwan oo siyaasiinta qaar ay si adag uga horyimaadeen sida wax ka badelka dastuurka oo dooddiisu ay socoto.

Sida xogo hoose ay tilmaamayaan kulanka ayaa Madaxweynahu waxaa uu si gaar ah kaga hadli doonaa, arrinta ku aaaddan Xiisadda Itoobiya iyow axyaabaha kusoo kordhay, oo ay ka mid yihiin tallaabooyin dhowr ah oo ay qaaday Dowladda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor