Maxkamadda Gobolka Banaadir oo billawday Dhageysiga Dacwadda Eedaysane Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bilowday dhageysiga dacwada Sayid Cali Macalin Daauud oo dhawaan Xaaskiisa ku gubay Magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah hadda u gudagashay dhageysiga kiiska dacwada ah, waxaana hoolka dacwadda ku sugan ehelada iyo qaraneeda, iyadoo sidoo kale ay joogaan marqaatiyaal wax laga weydiinayo sida ay wax u dhaceen.

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd, waxana wali ferenjiyeer ku jira Meydka Marxuumad Luul Cabdi Casiis.

Ehelada Marxuumadda ayaa horay u dalbaday inay u baahan yihiin Caddaalad,w axaana dowladda Soomaaliya ay ka dalbedeen inay masuuliyad weyn iska saarto sidii ay caddaalad ku heli lahayd Marxuumad Luul.

Eedaysane Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa laga soo qabtay deegaanada Galmudug, waxaana ugu dambeyn suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo, maantana waxaa la horkeenay maxkamadda Gobolka banaadir.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor