Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Ku-xigeenkiisa, Taabit Maxamed Cabdi waxay Kulan Is-waraysi ah la yeesheen Jaalliyadda Soomaalida ku dhaqan caasimadda Maraykanka ee Washington.
Kulankaasi oo ay soo qabanqaabisay Ururka SSF ee ay ku mideysan yihiin Soomaalida ku nool Maraykanka ayey waxay xubnaha Jaalliyadda weydiiyeen Safiirka iyo Ku-xigeenkiisa Qorshaha Safaaradda ee sannadka soo socda iyo  doorka Safaaradda ee Dadaalka Dib-u-heshiisiinta
Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in Hiigsiga Safaaradda tahay sidii loo hagaajin lahaa Muuqaalka dalka Somalia ee Caalamka iyo sidii loo soo celin lahaa Maqaamka ay Somalia ku dhex lahayd Caalamka.
Danjiraha waxa uu garwaaqsaday doorka Dadweynaha, kuna tilmaamay codkooda mid Iskaashi iyo Dib-u-heshiisiineed, wuxuuna ku booriyey Dadweynaha inay ka hadlaan Nabad-dhisida, cambaareeyaan falalka colaadda, isla markaana tilmaamaan Ma-xishoodayaasha ka dambeeya falalkaasi.
Mar wax laga weydiiyey Dadka Soomaalida ee ku xiran dalalka Caalamka, waxa uu Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay inuu dareensan yahay arrintaasi, isla markaana ay Safaaradda sida ugu suurtogalsan uga hadli doonto qaar ka mid ah Walaaca Soomaalida xiran ama kuwa weli la iska hayo.
Dhinaca kale, Xubnaha Jaalliyadda Soomaalida waxay Madaxda Safaaradda Somalia ee Maraykanka  ka codsadeen in loo sheego Jadwalka Shaqo ee Adeegyadda Qunsulliyadda Soomaalida, iyadoo Ku-xigeenka Safiirka, Taabit Maxamed Cabdi sheegin xilliga cayiman ee la furi doono Qunsulliyadda, balse waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiso Asaaska Xooggan ee Safaaradda, kadibna Qunsuliyadda iyo in dib loo habeeyo sidii loo soo saari lahaa Baasabooradda ama Fiisaha ee looga baahan yahay Waqooyiga Amerika.
© Radio Dalsan      Â