Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga saarayo  Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.