Sawirro:-Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa oo Maanta u duulay dalka Jabuuti

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka duulay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah  ku xigeenkiisa xildhibaano Iyo Wasiiro waxa ayna  dalka Jabuuti uga kaga qayb gali doonaan shirka dib u Heshiisiinta Maamulka Galmudug Iyo Ahlusuna oo maalinta Beri ah ka furmi doona dalkaasi jabuuti.

Dhanka kale Waxaa la filaya in Garoonka Aadan-Cadde ay ka duulaan wefdi ka socda Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca kuwaas oo iyana wadahadalada ka qeybgeli doona.

Dhawaan Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxa ay ku kulmeen dalka Kenya,waxana shirkaan uu noqonayaa wajiga labaad ee wadahadalada oo uu dhex dhexaadinayo Urur Goboleedka IGAD.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media