Madaxweyne Waare oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha Qeybta 27-aad ee ka howlgala Deegaannada Hirshabelle.

Waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka Deegaannada Hirshabelle, waxaana kulanka uu ahaa mid xasaasi ah, Madaxweyne Waare iyo Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha Qeybta 27-aad ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku hadda marayo.

Madaxweyne Waare ayaa Taliye Odowaa iyo saraakiishaasi kale si gaar ah kala hadlay  Xaaladda amniga HirShabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kalaguurka Soomaaliya, waxana sidoo kale uu kala hadlay arrimaha ammaanka maamulka Hirshabeelle.

Degaanada maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaanka lid ku ah oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyaan, waxaana saraakiisha Ciidanka ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan ay dhowr jeer ku cel-celiyeen in ay howlgallo ballaaran qaadi doonan, waxaana mamaulkaaasi dhawaan la filayaa in ay ka dhacdo doorasho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media