Madaxweyne Qoorqoor  oo tababar u soo xiray cutub ka mid ah Daraawiishta Galmudug

Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye ayaa Maanta Tababar usoo xiray cutub ka mid ah Daraawiishta Galmudug Oo mudo dhowr Bilood ah tababar ku qaadanayay Xerada Indha-Qaris oo Ku taala duleedka Gaalkacyo.

Munaasabadaan ayaa madaxwaynuhu ku dalacsiiyey Saraakiil Ka mid ah Ciidankii dhammeystay Tababarka, iyadoona madaxweynuhu Ku Dhiiri Geliyay horumarka ay Sameeyay Muddadii tababarka qaadanayeen.

Cutubkaan Tababarka maanta loo soo xiray ayaa noqonaya Ciidankii Ugu Horeeyay Daraawishta ee dowlad Goboleedka Galmudug, kuwas oo si toos ah uga qayb qadan doona dagaaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidanka ammaanka Galmudug ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ku socday dib u habeyn ay wadeen saraakiisha Ciidanka Maamulka Galmudug iyo saraakiisha Ciidanka dowladda ee ka howl gala degaanada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media