Ciidanka Puntland  oo howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo  sameeyay

Ciidamada amaanka Dowlad Goboleedka Puntland  ayaa  waxaa ay maanta gaareen degmada Carmo ee gobolka Bari iyo degaanada hoostagan waxaana halkaasi ay kasameeyeen howlgallo ballaaran.

Hawlgalkan ayaa ku soo dhamaaday si guul ah sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka hor kacayay, waxayna saraakiisha ciidamada amaanka ee hawlgalkan hoggaaminayey la yeesheen laamaha amniga magaalada Carmo kulamo ku saabsan la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka  ay ciidamada Puntland kula jiraan dagaalamayasha Al-shabaab.

Ciidanka ayaa intii ay ku sugnaayeen degaanadaas ayaa waxaa ay  shacabka kula talinayeen in ay la soo wadaagaan laamaha amniga Puntland wixii khatar ku ah amniga, ayna la soo xiriiran ciidamada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media