Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilkii looga qaaday Agaasimihii Ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF,iyadoo mid Cusub loo Magacaabay.
Cabdirabbi Cismaan Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Cusub ee Ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF,isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdiraxmaan Xaaji Xasan oo ahaa Agaasimihii hore ee PMPF.
Saraakiisha Ciidanka Badda ee Puntland ayaa la faray inay la shaqeyaan Cabdirabbi Cismaan Maxamed oo laga dhigay Agaasimaha Cusub ee PMPF.