Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa James Swan kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,ku-xigeenkiisa,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo xubno la socda ayaa kulan uga soconayaa Magaalada Jowhar.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira Ammaanka, Siyaasadda, Cadaaladda, iyo arrimo kale oo la xiriira Hirshabelle.
Kulanka Waxaa Goob joog ka ah Guddoonka Baarlamanka Hirshabeelle, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle.
Wafdiga ayaa inta Jowhar ay ku suganyihiin waxa kulamo gooni gooni ah ay la qaadan Doonaa qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad Goboleedka Hirshabelle.