Madaxweyne Qoorqoor oo Warbixin ka dhageystay Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Amniga guud ee Galmudug oo ay kasoo qeyb galeen saraakiisha Hay’adaha amniga.

Madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga ee deegaanada Maamulka iyo howlgalada socda.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ugu danbeyntii shirka faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geliyaan dadaalada suggidda amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo uu u joogo xalinta shaqaaqooyin ka dhashay dil Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Axmed Faarax Sheekh Cali Dheere.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor