Khasaaro ka dhashay Gantaallo ku dhacay koonfurta Israa’iil

Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ambulance.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in 50 gantaal ay dagaalyahanada Falastiin ku rideen dhinaca Israa’iil halka mid kamid ah gantaalladaas uu ku dhacay dhismo ay degan yihiin dad shacab ah.

Mar sii horreysay saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in askari Israa’iili ah uu dhaawac soo gaaray kadib dagaal ka dhacay xadka.

Weli dagaalka ayaa socda, xilli dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku garaacayaan Israa’iil halka Israa’iil ay duqeymo ka geysaneyso marinka Qaza.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor