Axmed Karaash oo farriin u diray Guddiga Doorashada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Magaalada Garoowe uga socdey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Munaasabadda ka hadlaayay ayaa waxa uu dhiirigeliyey dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda iyo ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxa uu Hay’addaha ku shaqadaleh Doorashooyinka Puntland faray in haweenka lagala shaqeeyo ka qayb-galka Doorashada, si ay door-muuqda ugu yeeshaan Arrimaha Siyaasadda.

Magaalada Qardho ayaa dhawaan laga daah-furay barnaamijka diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka Golaha deegaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor