Madaxweyne Muuse Bixii oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Somalia

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland saareen cunaqabatayn dhinaca dhaqaalaha, kadib markii xalay uu khudbad ka jeediyay Munaasabada xuska 26-ka June oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in Madaxda dowladda Federaalka ay dagaal adeg u galeen sidii cunaqabatayn loo saari lahaa Somaliland, isla markaana kasoo horjeedan horumarka usoo kordha oo safka hore kaga jirto ballaarinta Dekedda Magaalada Berbera.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay doorashooyinka ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxda dowladda loogu taag la’yahay shirar ay u qabtaan dowladdo shisheeye, si Baarlamaan iyo Madaxweyne u doortan.

“Soomaaliya iska daa doorasho’e waxa loogu taag la’yahay kolba shir ay u qabato dawlad shisheeye oo lagu soo magacaabo dad faro-ku-tiris ahi inay Madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Hadalkaan ayaa waxa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka sheegay habeenkii xalay aheyd Munaasabad loogu dabaaldagayay xuska 26-ka June oo gumeystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya, taas oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor