Rasaas farabadan oo xalay loo ridayay dabaaldega Munaasabadda xuska 26-ka June oo gumeystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.
Rasaasta oo ay fureen Askar ka tirsan Dowladda ayaa ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle gaar ahaan afaafka hore ee goob ay ka socotay xuska 26-ka June oo ay ku sugnaayeen Masรขโฌโขuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas iyo dadweyne farabadan.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Rasaasta oo loogu dabadaaldayay xuska 26-ka June ay ku dhacday laba Askari oo ka kala tirsan Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska Haramcad, iyagoona goobta ku geeriyooday.
Sidoo kale dadka ayaa inoo sheegay in Masรขโฌโขuuliyiinta Hirshabeelle iyo dadkii kasoo qeyb galay Munaasabada ay dareemeen casbi xoogan, isla markaana waxaa la sheegay in markii hore rasaasta oo aad u dhacday loo maleynayay iska horimaad Ciidan.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadlayaan Askara ku geeriyootay rasaastii loo ridayay dabaaldega Munaasabadda xuska 26-ka June oo gumeystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.