Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka safarkii uu Maanta ku tegay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Lafta-gareen oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore Madaxweynaha Jubbaland, maamulkiisa iyo qeybaha Bulshada uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee isaga iyo wafdigiisa ugu sameeyeen Kismaayo.
Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu booqasho ku tego Kismaayo, wuxuuna tilmaamay in Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay yihiin laba maamul oo ay ka dhexeeyso wadashaqeyn iyo deris wanaag.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Carabka ku dhuftay in safarkiisa uu yahay mid la xiriira joojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada maamul oo ku saleysan dhinacyada amniga, siyaasadda, Ganacsiga iyo Is-dhexgalka bulshada.
Wuxuu intaas kusii daray inuu kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayna ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan, iyagoona kulankooda diirada ku saari doona doorashada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in abaaraha ka jira dalka ay siweyn saameyn ugu yeesheen dadka deegaanada Jubbaland, wuxuuna Alle ka baryay inuu roob keeno, si Alle abaarta uga dul-qaado dadka.